Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo wararki ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kolonyo gaadiidka gaashaaman oo ay wateen ciidamadda AMISOM ayaa maanta oo Arbaco ah lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo noociisu ahaa Miinadda dhulka lagu aaso ayaa la sheegay inuu haleelay mid kamid ah Gaadiidka AMISOM xili ay ku socdaalayeen degaanka Ceelasha Biyaha, oo ku dhaw caasimadda Soomaaliya.

Faahfaahinada ayaa intaas ku daraya in Qaraxa kadib ay ciidamadda AMISOM fureen Rasaas, taasoo aanan la ogayn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kasoo gaarey dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa.

Sidoo kale, lama xaqiijin karo illaa iyo haatan khasaaraha Ciidamada AMISOM kasoo gaarey qarax, kaasoo noqonaya midkii ugu dambeeyay qaraxyo miino oo ka dhacaya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse, Qaraxyadda noocaan ah ee ka dhaca deegaanadda iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, waxaa sheegta Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya iyo AMISOM.

AMISOM ay si joogto ah u adeegsada wadadan, aada dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, oo kamid ah meelaha ay ka howlgalaan ciidamada midowga Africa ka caawinaya DFS dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM