MUQDISHU, Somalia- Ugu yaraan 3 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qarax Miino oo Saaka 29 September, 2016 ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada dalka Somalia.

Capt. Maxamed Xuseen, oo ah Sarkaal katirsan Booliska dowladda Somalia, ayaa Garowe Online u xaqijiyay Qaraxa, oo uu sheegay inuu ahaa miino lagu aasay Goob Suuq ah oo lagu iibiyo Ariga, kaasoo ku yaalla degmada Kaaraan oo lagu magacaabo Xirka Dheer.

Wuxuu sheegay Sarkaalka in Qaraxa uu ahaa mid lagu aasay Maqaaxi ku taall nawaaxiga Suuqa Ariga, oo inta badan fariistaan Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada (Minishiibiyada).

Saddexda qof ee ku geeriyootay weerar ayaa labo kamid ah waxay ahaayeen Haween sida la sheegay kuwaasoo Maqaaxida uu weerarka ka dhacay ku sugnaa.

Ururka Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada Qaraxa Kaaraan.

Waxaa jiro dad Shacab ah oo ku dhaawacmay falkaas, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka degmada Kaaraan, oo hadda xaaladooda caasfimaad lagula tacaalayo.

GAROWEONLINE