KAMPALA - Uganda ayaa diyaarisay cutubkeedii lixaad ee ciidamada cirka oo ka hawlgeli doona Soomaaliya, kaas oo qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Ciidamadan ayaa lagu sagootiyay munaasabad ka dhacday saldhigga ciidamada cirka ee Soroti, halkaas oo Taliyaha Ciidanka Cirka Uganda, Sarreeye Guuto Charles Okidi, uu kula hadlay askarta loo xilsaaray howlgalka. Wuxuu kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, karti shaqo iyo isku-duubni inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
Cutubka oo loogu magac daray Aviation Unit VI waxaa hoggaaminaya Gaashaanle Sare Simon Andiandu, halka Gaashaanle Dhexe Ssempa Ndaula loo magacaabay ku-xigeenkiisa.
Okidi ayaa xusay in ka-qaybgalka cutubkan cusub uu ka tarjumayo dadaalka Uganda ee ku aaddan taageeridda nabadda iyo amniga gobolka. Wuxuu sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay si masuuliyad leh u gutaan shaqada loo igmaday.
Taliyaha Guud ee Shaqaalaha Ciidanka Cirka Uganda, Sareeye Guuto James Itungo, ayaa isaguna kula dardaarmay askarta inay ilaaliyaan sumcadda dalkooda, isla markaana ay muujiyaan xirfad iyo feejignaan marka ay wajahaan xaaladaha adag ee goobaha howlgalka.
Dhanka kale, Taliyaha garabka ciidamada cirka ee saldhigga Soroti, Sareeye Guuto Collin Mbaga Nkwasibwe, ayaa sheegay in ciidamada loo diyaariyay tababbarro ku saleysan hawlaha ay Soomaaliya ka qaban doonaan. Tababarradaas waxaa ka mid ah injineernimada iyo amniga duulista.
Uganda ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka ciidamadooda ku taageera howlgalada amniga Soomaaliya, iyadoo ka-qaybgalkeedu qayb ka yahay dadaallada lagu taageerayo dowladda federaalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warbixinta lagu shaaciyay diyaarinta cutubkan ayaan faahfaahin ka bixin tirada askarta la dirayo, goobaha ay Soomaaliya ka hawlgeli doonaan iyo muddada ay halkaas joogi doonaan.
GAROWE ONLINE