MUQDISHU, Somalia- Qaraxyo xooggan ayaa goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, waxaana gudaha magaalada laga maqlay daryanka qaraxa iyo rasaas ka dhacaysa goobta weerarku haleelay.
Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka KM4, kuna dhow hotel Saxafi, waxaana la sheegayaa in bartilmaameedku ahaa Laanta Dambi baarista Somalia ee CID.
Majirto faah faahin rasmi ah oo qaraxyadaasi laga helay, balse xiriiro aan la samaynay goob joogayaal ka agdhow KM4 ayaa GO u sheegay in qaraxa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kaasoo lagu dhuftay afaafka hore ee xarunta.
Waxa xigay rasaas xooggan oo loo malaynayo inay is-weydaarsanayaan ciidamada ilaada aha iyo mallayshiyaad la tuhmayo inay katirsanyihiin Al Shabaab.
Qiiq ayaa cirka isku shareeray iyadoo sawaxaqka codka gaadiidka gurmadka la maqlayo.
Wuxuu kusoo beegmay xilli xalay la qabtay hub iyo dad gaaraya 160 ruux kuwaasoo markii dambe la sii daayay.
Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo Muqdishu ka dhaca wax ka yar Asbuux, waxaana todobaadkii hore la weeraray xarunta ugu weyn AMISOM ee Xalane.
Wixii kasoo kordha kala socda wararka dambe ee GAROWEONLINE