Rooble oo isku-shaan-dheyn sameeyay xilli ay xiisad jirto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Axada maanta ah wuxuu isku-shaan-dheyn ku sameeyay qaar kamid ah wasiiradiisa.

Wasiirka Warfaafinta, Cismana Abuukar Dubbe, ayaa warbaahinta dowladda ka akhriyey wareegtada kasoo baxdey xafiiska Rooble ee is-bedelka lagu sameeyay Laanta Fulinta ee waddanka.

Sidda ku xusan digreetadda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, isku-shaan-dheynta ayaa si gaar ah waxay u saameysay Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Shaqada & Arrimaha Bulshada.

"Laga bilaabo maanta mudane Duraan Axmed Faarax waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, halka mudane Maxamed Salaad Oomaar loo magacaabay wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda," ayaa lagu yiri warka wareegtadda.

Wareegtadda ayaan lagu bixin tafaasiil dheeriya oo ku saabsan sababaha soo dedejiyey isku bedelka labadda wasaaradood. Hasa ahaatee, waxay imaaneysaa xillli waddanka uu wajahayo xiisad doorasho.

"Wasiiradda cusub ee gaadiidka iyo shaqada waxaa la farayaa in ay sidda ugu dhaqsaha badan ugu kala wareegaan xilka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee uu akhriyey Dubbe.

Duraan ayaa kasoo jeeda degaanadda Puntland, halka Oomaar uu kasoo jeedo Jubaland. Labadan maamul waxay si weyn uga soo horjeedaa nooca doorasho ee maamulka Farmaajo rabo in dalka uu ka qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM