Soomaaliya: Qadar oo dayacdey dhaawacyo ay kasoo qaadeen Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Dalka Qadar oo kamid ah wadamada ugu Qanisan aduunka ayaa dhaawacyo ay maalintii shaley kasoo qaadey magaalada Muqdisho waxay geeyeen dalka Suudaan kuwasoo xaaladooda laga dayrinayo kadib markii ay waayeen adeegyadii caadiga ahaa ee Isbitaalka.

Dalka Qadar oo maalintii shaley keeney garoonka diyaardaha Muqdisho diyaarad weyn oo ah kuwa qalabka Isbitaalka ku rakiban yahay ayaa sidoo kale sidey daawooyin iyo agab kale.

Saraakiil ka socota dalka Qadar iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo halkaas sawiro ( Photo opportunity) isaga qaadey dhaawaca markii la qaadayey ayaa wararku xusayaan in dadkaas ku daadisey Isbitaal aan laheyn qaboojiyaal iyo suuliyo halka cuntadii bukaanka u baahnaayeen ardeyda dalkaas wax ka barata uga qaadey magaalada.

Lama oga sababta dalka Qadar oo saxiib dhow la ah dowlada Federaalka ee iminka talada dalka haysa, dhaawacayada ay qaadey u gayn waydey dalkooda kaasoo ay ku yaalaan goobo caafimaad oo wanagsan.

Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in qaylo dhaan dadkaan u soo direen xarunta Gurmad252 ee magaalada Muqdisho kadib ay halkaas booqdeen saraakiil ka socota wadanka Qadar, Suudaan iyo safaarada Soomaaliya waxeyna sheegeen in arinta la xalinayo.

"Dhaawaca dalka Suudaan la geeyay waa laga soo deyrinaya xaaladooda, waxaana la geeyay Isbitaal aan xitaa laheyn qaboojiye iyadoo heerkulku sareeyo, qaybtood maleh Suuliyo, xaga cuntada dhallinyaro ka tirsan ardeyda halakas wax ka barata' sidaas waxaa GO u sheegey ardey magaciisa ka gaabsadey in aan sheegno.

Sarakiisha booqatey dhaawaca la geeyey Isbitaalka aan laheyn adeega asaasiga ah ayaa balan qaadey in maalinta berri dadkaan la geyn doono xarumo caafimaad ee gaar loo leeyahay.

Qaar ka tirsan ardeyda dalka Sudaan wax-ka barata oo la xiriirey GO ayaa sheegey in hadii arinkaas berri wax laga qaban waayo iyagu isku tashan doonaan.

Dalka Qadar oo khilaaf xoogan ka dhexeeyo dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa dadka siyaasada la socdaa rumeysan yihiin in imaanshahoodii magaalada Muqdishu ee shaley aheyd mid siyasadeed.

Dalka Qadar ayaa waxaa saxiib dhow la ah sarakiil ka tirsan madaxtooyada dowlada Federaalka Soomaaliya kuwasoo qayb ka ah hurinta xaalada siyaasdeed ee ka jirta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM