Soomaaliya: Khasaaraha Qaraxii Muqdisho oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii kordhaya marba marka ka dambaysa khasaaraha dhimashada uu sababay Qaraxii weynaa, ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho.

Dhaqaatiirta Isbitaallada la geeyay dhaawacyada iyo meydadka, ayaa Wariyaha Garowe Online ee Muqdisho, u xaqiijiyay in hadda tirada dhimashada ay mareyso in ka badan 200, iyadoo ku dhawaad 100 kamid ah dadkan la aqoonsan la'yahay, maadaama jirkooda si xun u gubtay.

Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa VOA u sheegay in dadka ku dhintay qaraxa ay gaarayaan 230 qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen boqolaal kale.

Dad badan ayaa wali la la'yahay, kuwaasi oo loo maleynayo inay ku hoos jiraan dhismooyinkii burburay, halka kuwa kalen ay dambas noqdeen, lana waayay Meydadkooda.

Qaraxa oo ka dhashay Gaari nooca TM-ka loo yaqaano, ayaa waxa uu dad ka dilay meel 4 KM u jirta goobta uu ka dhacay, oo ahayd mid mashquul badan, kuna yaallaan goobo ganacsi oo aad u badan, oo sidoo kalena laga raaco baabuurta.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa, oo inta la ogyahay soo mara Muqdisho, welina ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa, xitaa Al shabaab oo looga bartay weerarada noocan ma aysan ka hadlin.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu dhaliilaa inaysan lahayn qorsho kahor-tag ah, oo lagu badbaadinayo muwaadiniinta naftooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM