MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Sweden ayaa Staffan Tillander u magacaabatay in uu noqdo danjiraheeda cusub ee u fadhin doona Soomaaliya, sidda ay xaqiijisay safaaradda Muqdisho.
Tillander oo lagu waddo in uu xafiiska la wareego horaanta bisha September ee sanadkan 2019 ayaa wuxuu bedeli doonaa diblumaasiga Andreas von Uexküll.
War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaarada Sweden ayaa lagu sheegay in safiirka cusub uu waayo-aragnimo badan u leeyahay Soomaaliya.
"Isaga (Tillander) waxa uu khibrad balaaran uu ka haystaa Afrika iyo gobolka [Geeska Afrika], oo ay kamid tahay Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka.
Uexküll, oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa dowlad goboleedyadda dalka kuwii ugu dambeeyay ee uu socdaal ku tegay waxaa kamid ah Puntland iyo Jubbaland.

Madaxda maamuladaasi ayaa wuxuu kala arrin-saday taageerada ay siiso dowladiisa, mashaariicyadda horumarineed iyo doorashooyinka waddanka kusoo fool leh sanadkan 2020-21.
Staffan Tillander oo xilal diblumaasiyadeed soo qabtay ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Waaxda Ku Dhaqanka Qaanuunka iyo Ammaanka ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Si lamid ah, sida ku xusan sooyaalkiisa, wuxuu soo noqday safiirka Sweden u qaabilsan waddanka Itoobiya iyo wadamo kale oo qaaradaha kala ee caalamka ah.
Sweden ayaa safka hore uga jirta wadamada Midowga Yurub iyo kuwa kale ee caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed ku garab-taagan Soomaaliya tan iyo burburka haatan laga soo kabanayo.
GAROWE ONLINE