Tacshiirad dhexmaray ciidamada Jubaland iyo ilaalada Seeraar

Image

KISMAAYO, Jubaland – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is-rasaaseyn kooban oo ka dhacday Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubaland.

Iska hor-imaad ayaa u dhaxeeyay ciidamadda maamul goboleedka iyo ilaalo daacad u ah siyaasiga Cabdinaasir Seeraar.

Illaa iyo haata, ma cadda sababta dhabta ah ee keentay isku dhaca, wallow ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Warbixinadda ayaa sheegay in dhacdadaan ay ka dhalatay waddo la xiray maadaama ammaanka aad loo adkeeyay.

Sidoo kale, lama soo warin wali khasaaro - dhaawac ama dhimasho - oo dhinacyadda kasoo kala gaarey dagaalka dhexmaray.

Seeraar ayaa kamid ah xubnaha kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe ee taageeradda ka helaya Villa Soomaaliya.

Tacshiiradda ayaa kusoo aadeysa iyaddoo magaalada Kismaayo uu ku sugan yahay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ee Donald Yamamota.

Danjire Yamamota ayaa kulan la leh madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ay kawada hadlayaan xaaladihii u dambeeyay ee degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM