Taliyihii Ciidanka Taraafikada Soomaaliya oo geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii ciidamada Booliska Wadooyinka Soomaaliya, Cali Maxamed Cali (Cali Shariif), sida uu xaqiijiyay Talihii hore ee Ciidamada Cali Gaab.

Cali Gaab ayaa sheegay in Cali Shariif uu mudo xanuunsanayay, iyadoo loo qaadey dalka India oo lagu soo daweeyay, kadibna dhawaan dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, oo xalay uu ku dhintay.

Saddex bilood kahor ayaa soo wajahay xanuun aan la sheegin waxa uu yahay, kaasi oo ugu dambeyntii u geeriyooday. Allah ha u naxariistee Cali Shariif ayaa dhawaan xilka laga wareejiyay markii ay xaaladiisa caafimaad sii adkaatey.

Meydka Cali Shariif ayaa saaka lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay Saraakiil sare oo ciidamada Taraafikada iyo Booliska isagu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM