Villa Somalia oo lacag cusub u timid iyo maamullada oo warqado loo diray [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa mar labaad warqad u diray Wasaaradaha Maaliyadda, ee dowlad-goboboleedyad, taasoo kaga dalbadey inay soo gubiyaan xusaab-celin lacagii la siiyay.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Beyle ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay ka codsaday maamul goboleedyada inay soo diraan xisaab xirka lacagtii hore loo siiyay, sidoo kalena soo gudbiyaan dalabkooda lacagta cusub ee deeqda Bangiga Adduunka.

"Waxaan ku faraxsanahay in qeybtii labaad Surge Support-ka uu Bangiga Adduunka soo diray, waxaana dowlad goboleedyada ka codsanaynaa inay soo diraan xiisaab xirka lacagihii hore iyo dalabka lacagta cusub," ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wuxuu xaqiijiyay Wasiirka in dowladda Federalka ah ee Soomaaliya soo gartey 5 milyan oo dollarka Mareykanka, oo uu soo diray Bangiga Adduunka, taasoo lagu soo shubey Bangiga dhexe ee dowladda, ee ku yaalla Muqdisho.

Madaxda maamullada qaarkood, oo Axmed Madoobe kamid yahay ayaa shirkii bishii lasoo dhaafay ee Kismayo ku yeesheen Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka sheegay in maamulkiisa Jubbaland aysan jirin wax lacag ah oo uga timid dhanka dowladda dhexe.

Waxyaabaha keenay khilaafka hadda u dhaxeeya dowlad-goboleedyada iyo Villa Somalia ayaa waxaa qeyb ka ah qeybsiga deeqaha dhaqaale ee loogu deeqo Soomaaliya, oo ay saluugsan yihiin maamullada sida dowladda Federaalka u maamusho.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM