Wadahadalkii Guudlaawe iyo Xuud oo "la carqaladeeyay"

Image

JOWHAR, HirShabelle – Wadahadalo daaha gedaashiisa ah oo u bilowday hogaanka HirShabelle iyo Jeneraal Xuudka ku gacanta sareysa gobolka Hiiraan ayaa hakadey, sida warsidaha Garowe Online ka ogaadey dad si weyn ugu duundaloola qadiyadan.

Sida ay muujinayaan macluumaadyadda, Madaxtooyadda Soomaaliya oo xeerineysa danaha dib-u-doorashada Farmaajaha waqtigiisu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 walina xafiiska jooga ayaa carqaladeysay wadaxaajoodyadaas muhiimka ahaa.

Wadahadaladda ayaa istaagay ka gedaal, sida ay xoguhu xaqiijinayaan, markii Villa Soomaaliya ay kula heshiisay Jeneraal Xuud saami qeybsi la xiriira kuraasta taala gobolka Hiiraan.

"Villa Soomaaliya waxay quudareynaysaa sidii ay gacanta ugu wada dhigi lahayd 28-ka kursi ee taala gobolkaas. Tani waxay ku xiran tahay rajadda Maxamed Farmaajo ee ku aadan in uu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo," ayay sheegeen illaha.

Jeneraal Xuud oo kamid ahaa musharaxiintii isku soo taagtay doorashaddii ka dhacdey Jowhar ee uu kusoo baxay Cali Guudlaawe ayaa horey wuxuu Villa Soomaaliya ugu eedeeyay in ay boobtey coddeynta soona saaratay musharaxeeda.

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in la bedelayo, heshiiska 17-kii September, 2020 ee dib loo saxiixay 27-dii May, 2021 ayaa xeerinaya in Xildhibaanada soo aadan lagu soo xulo laba magaalo, waana mid kamida arrimaha qasbaya gorgortankan.

Madaxda Soomaalida ayaa ku shirsan magaala madaxda Muqdisho. Haddii natiijadan shirkan ay noqoto in dib loogu laabto hal degaan doorasho iyo 51 ergo, waxaa meesha ka baxaya heshiiskan, balse ma ahan mid laga sii hordhici karo maxsuulka shirkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM