MUQDISHU- Kooxo ku hubaysnaa bastoolado oo watay gaadiidka loo yaqaano Bajaajta ayaa goordhaweyd magalada Muqdishu ku dilay ALLAHA u naxariisteen Wariye Sagal Salaad Cusmaan.

Sagal ayaa katirsanayd wasaaradda warfaafinta gaar ahaan waaxda warbaahinta, waxaana lagu dilay afaafka hore Jaamacadda Plasma oo ay dhigan jirtay.

Kooxihii dilka gaystay ayaa goobta ka fakaday, waxaana dhaawac halis ah oo ay gaarsiiyeen loola cararay cusbitalka Madiina halkaas oo ay ku naf-baxday.

Sagal, ayaa sida wararku sheegayaan gacanta ku haysay barbaarinta gabar ay ka geeriyootay walaasheed.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, iyagoo halkaas baaritaan ka sameeyay.

Majirto cid wali sheegatay mas'uuliyadda dilka wariyahaasi, balse waxaa inta badan falalkaasi horay u fulin jiray kooxo katirsan ururka Shabaab.

Sannadkan ayay ahayd markii Wariye Hindia Xaaji oo katirsanayd Radio Muqdishu lagu dilay caasumadda Soomaliya iyadoo qarax loogu xiray baabuur ay wadatay, waxaana falkaan kusoo beegmay xilli dhawaan la toogtay Xasan Xanafi Xaaji oo ururkaasi u qaabilsanaa dilalka Wariyaasha.

GAROWEONLINE