Wasiiro iyo Xildhibaano qaadacay ansixinta metelaada gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaadacay ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir.

Sharci-dejiyeyaashaan oo ku midoobay "Kutladda Sharci Dhowr" ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin metelaad uu helo gobolka balse ay qoonsadeen hanaanka loo maray.

Mudaneyaasha oo saxiixyadooda la wadaagay warbaahinta kadib kulan ay ku yeesheen magaala madaxda waddanka ee Muqdisho ayaa wadar ahaan waxay tiradoodu gaareysaa 70.

Xeerka metelaada gobolka Banaadir oo Golaha Shacabka maanta meelmariyey ayaa gobolka siinaya 13 xubnood, taas oo wadarta guud ee golaha Senate-ka ka dhigeysa 67 mudane.

Xildhibaanada diidan xeerkaan ayaa cuskanaya in ay muhiim tahay in la helo maqaamka Muqdisho kahor inta aan la raadin metelaad siyaasadeed, doodaas oo ay siyaasiyiin taageereen.

Hindisahaan oo Madaxtooyadda ay gedaal ka riixeyso ayaa  kasoo horjeeda dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo xeerinaya in xubnaha Aqalka Sarre ay tahay 54 xubnood.

Ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir ayaa xoojinaysa shakiga ku geedaaman in uu waqtigiisa ku qabsoomi karo shirka uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamuladda.

Hoos ka akhriso qoraalkooda iyo saxiixa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM