AFGOOYE, Soomaaliya - Dagaalyahanno katirsan Kooxda Al Shabaab ayaa caawa weerar dhowr jiho ah ku qaadey degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi bari uga beegan Muqdisho.

Weerarka ayaa ku billowday bambaanbooyin lagu tuurey saldhig ciidan oo laga difaaco degmada Afgooye waxaana oo xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka iyo Xoogaga Al Shabaab.

Al shabaab ayaa sheegtay inay gudaha u galeen Afgooye kadib weerarka, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada dowladda, ee ku sugna afaafka hore ee degmada.

Taliska ciidamada Booliska Afgooye ayaa beeniyay inay Al Shabaab gashay degmada, iyadoo intaasi uu ku daray inay iska difaaceen weerarka, sidoo kalena aysan jirin wax khasaaro ah oo dhankooda soo gaarey.

Ma jiraan Illo madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka caawa ka dhacay Afgooye, marka laga soo tago wararka is khilaafsan ee kasoo baxay Al Shabaab iyo Taliska ciidanka degmada.

Afgooye ayaa martigelinaysay mudooyinkii ugu dambeeyay weeraro xilliga habeenkii ah ay kusoo qaado Al Shabaab kuwaasi oo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi Khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay.

GAROWE ONLINE