Weerar lagu qaaday Baar-sanguuni iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia - Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey Saldhiga ciidamada xooga ay ku leeyihiin degaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, aroornimadii Sabtida maanta ah.

Weerarka oo ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray ciidamada ku sugan xerada ciidan iyo xoogaga Shabaab ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya, oo kamid ah kuwa ku sugan Saldhiga la beegsaday ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online inay iska caabiyaan weerarka, islamarkaana ay qabteen gaari lagu soo xiray walxaha qarxa.

Tani ayaa kusoo aadaysa xili maamulka Jubbaland uu qaybo kamid ah gobolka Jubadda Hoose uu kawado abaabul dagaal, kaasi oo ujeedkiisu yahay xorreynta degaanka ka maqan gacanta maamulkaan fadhigiisu yahay Kismaayo.

Madaxwayne Axmed Madoobe oo todobaadyadii lasoo dhaafay safaro ku tagey Afmadow iyo Dhoobley ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada loo diyaariyay howlgalka, isagoo horey lugta usoo marsiiyay degaano kale oo gobolka kamid ah.

Jubadda Dhexe oo ay ku taalo caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka, taas oo ah Bu’aalle waxaa guud ahaan maamusho kooxda Al-Shabaab, halkaasoo la fahansan yahay inay xarun u tahay xubnaha ugu sareeya Shabaab.

Todobaadkii lasoo dhaafay degmada Bu’aalle kooxda waxay ku toogatay sarkaal sare oo ka tirsanaa xarakada, kaasi oo ay uga shakisay inuu cilaaqaad lahaa Daacish faraceeda ka howlgasha Soomaaliya.

Degaanka Bar Sanguuni oo qiyaastii 50-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Kismaayo, xarun goboleedka Jubada Hoose, ayaa sanadkii tagey lagu dilay Askari American ah, laguna dhaawacay 4 kale kadib markii saldhigooda Al-Shabaab weerartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM