Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Image
Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada Milatariga Itoobiya ayaa xiray xadka uu la wadaago maamulka Somaliland, kadib iska horimaad xooggan oo ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo maleeshiyo hubeysan ku dhexmaray degmada Xarshin.

Dagaalka ayaa saaka ka dhacay Miyiga deegaanka Dacawaaley, waxaana dagaalka uu ka dhacay deegaankaasi. Laamaha ammaanka ayaa dadka ku booriyay inay guryahooda ku ekaadaan kana fogaadaan xubnaha maleeshiyada ah.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay bilaabatay kadib markii lagu dilay deegaan miyi ah oo u dhaxeeya Dacawaaley iyo Duudbaydhaale Taliyihii Nabad Sugida ee degmada Yoocole iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Wafdi loo diray in ay ka hadlaan dhacdadaas ayaa markii dambe waxaa weerar ku qaaday rag hubeysan, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska nabadsugida dowlad deegaanka Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM