HARGEYSA, Somaliland – Kulan ay Hargaysa ku yeesheen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka iyo madaxweynaha Somaliland ayay ku guuldaraysteen in ay heshiis ka gaaraan muranka doorashooyinka, sida ay sheegeen xisbiyada mucaaridka oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Caasimadda ah goordambe oo Talaadadii ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo wakiil ka ah Xisbiga Talada ee Kulmiye iyo Axsaabta mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan ka dib muran la xiriira Doorashada oo soo kala dhexgalay labadaan Xisbi oo dhinac ah iyo Kulmiye oo talada haya.

Good guud ee madaxtooyada ayaa la filayaan in ay dhawaan ka dhacda Somaliland iyada oo beesha caalamka ku cadaadinayso maamulka in uu soo dedejiyo codaynta.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa wariye-yaasha u cadeeyay qodobada gaarka ah ay isku qabteen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isaga oo tilmaamay in aanay jirin qodob ay isku fahmeen madaxweynaha.

“Kulankii labada Xisbi Mucaarad iyo Xukuumadda oo garabkeedu yahay Xisbigeeda waxa uu ballanku ahaa in la kulmo 18ka May kaddib, min labo xubnood oo ka socda saddexda saddexda Xisbi ayaa kulmay, afar xubnood ayaan ku tagnay, Markii wadahadalka uu furmay, ajandaha aan ula tagnay waxa uu ahaa arrinta Doorashada ee la isku maan-dhaafsanaa in Madaxweynuhu uu ka daayo carqaladda” ayuu u sheegay warbaahinta.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadalkiisa raaciyay “In uu faraha kala baxo Komishinka Doorashada oo ah mid madaxbannaan, in la isla waafaqo xiliga doorashada oo ah 13ka November in la isku waafaqo jadwalka balse mugdi ayuu geliyay, waxba islama garan”.

Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa dhankiisa sheegay in 5 qodob ay la hortageen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehliyeen xubno katirsan Xisbigiisa kulmiye balse rejo beel ay kala noqdeen sida uu hadalka u dhigay.

"Caawa Madaxweynaha aan arkay diyaar uma aha in uu qabto Doorasho, waxa aan ula tagnay in doorashadu dhacdo 13ka November oo ah waqtiga lagu ballamay, 5 qodob oo muhiim u ah doorashada, Madaxweynuhu waxa aan ula tagnay in aan la faragelin guddiga komishinka, nasiib darro waxa aan u tagnay Madaxweyne Careysan oo u muuqda in aan dulminay oo wax badan naga tirsanaya, kama muuqan in la is riix-riixo oo tanaasul ka muuqda sida aan ku qaban jirnay Doorashada” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Doodda ka taagan Doorashada Madaxweynaha Somaliland waa mid muddo ka dhex taagan saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye oo talada haya, Waddani iyo UCID oo mucaaradka ah waxaana marar kala duwan la sameeyay dhexdhexaadin la isugu soo dhaweynayo.

Maamulka ayaa horay loogu amaanay in uu hirgaliyay doorasho qof iyo cod ah isla markaana uu horseeday nidaaf dimuqoraadi ah.

Somaliland waxay raadinaysay aqoonsi caalami ah iyo in ay noqoto dal madax-banaan tan iyo 1991. Ma jirto dawlad shisheeye oo uaqoonsan madax-banaanideeda, laakiin qaar badan ayaa si hufan u qiraya in gobolka uu qabtay doorasho xasiloon. Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka, iyo sidoo kale Midowga Yurub, ayaa soo diray wefti kormeeraya doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2017.

GAROWE ONLINE