Somaliland: Codad la tiriyay iyo Muuse Biixi oo hogaaminaya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Warsidaha Garowe Online ayaa helay macluumaad hoose oo ku saabsan tirada codadka ilaa hadda la tiriyay iyo cida ku horeysa musharaxiinta loolanka ugu jira xilka Madaxweynaha.

Illo Xog-ogaal u ah sida ay u dhacayso doorashada ayaa GO u sheegay in la tiriyay 30% codadkii laga dhiibtay maanta gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, kuwaasi oo ay dhibteen dad gaaraya 330,000.

Wararka ayaa sheegaya in Musharaxa Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe uu wacdaro ka dhigay magaalada Hargeysa, kadib markii uu helay codad badan, oo dhabarka ka jebiyay Xisbiga Waddani.

Laakiin, xogta Garowe Online uu helay ayaa sheegaysa in codadka illaa hadda la tiriyay Maroodi-jeex iyo Saaxil uu ku horeeyay Musharaxa Muuse Biixi Cabdi, calan-sidaha xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Gudiga doorashada waxa uu iclaamiyay in goobaha codbixinta lasoo xiray caawa fiidkii abaare 6: p.m. waqtiga geeska Africa, islamarkaana goobaha qaar la billaabay tirinta codadka.

Waxaa la filayaa in natiijada lagu dhawaaqo maalmaha soo socda, gaar ahaan 17-ka bishan. Halkan ka akhri.

F.G: Xogtan uu Garowe Online helay ayaa laga yaabaa in wax iska bedesho, marka la shaaciyo natiijada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM