Somaliland: Codad la tiriyay iyo Muuse Biixi oo hogaaminaya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Warsidaha Garowe Online ayaa helay macluumaad hoose oo ku saabsan tirada codadka ilaa hadda la tiriyay iyo cida ku horeysa musharaxiinta loolanka ugu jira xilka Madaxweynaha.

Illo Xog-ogaal u ah sida ay u dhacayso doorashada ayaa GO u sheegay in la tiriyay 30% codadkii laga dhiibtay maanta gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, kuwaasi oo ay dhibteen dad gaaraya 330,000.

Wararka ayaa sheegaya in Musharaxa Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe uu wacdaro ka dhigay magaalada Hargeysa, kadib markii uu helay codad badan, oo dhabarka ka jebiyay Xisbiga Waddani.

Laakiin, xogta Garowe Online uu helay ayaa sheegaysa in codadka illaa hadda la tiriyay Maroodi-jeex iyo Saaxil uu ku horeeyay Musharaxa Muuse Biixi Cabdi, calan-sidaha xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Gudiga doorashada waxa uu iclaamiyay in goobaha codbixinta lasoo xiray caawa fiidkii abaare 6: p.m. waqtiga geeska Africa, islamarkaana goobaha qaar la billaabay tirinta codadka.

Waxaa la filayaa in natiijada lagu dhawaaqo maalmaha soo socda, gaar ahaan 17-ka bishan. Halkan ka akhri.

F.G: Xogtan uu Garowe Online helay ayaa laga yaabaa in wax iska bedesho, marka la shaaciyo natiijada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM