Dowladda Belgium oo Danjire cusub soo dirtay Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya Mudane Nicolas Nihon.

Nihon oo ah Danjirihii ugu horreeyey ee Belgium ay u soo magacawdo Soomaaliya ayaa Madaxwweyne Farmaajo u gudbiyey salaan uu uga siday Boqorka dalkaas Philippe Léopold.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daauud oo goob joog ku ahaa munaasabaddan ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay in Dowladda Belgium ay safiir u soo dirsato Soomaaliya,maadaama dhawaan dalkaasi uu marti-gelin doono Shirweynaha Iskaashiga Soomaaliya.

“Dalka Belgium waxa uu ka mid ahaa dalalka Yurub ee aan matalaadda diblumaasiyadeed ku lahayn Soomaaliya, maanta in safiir ay u soo magacaabaan Soomaaliya waxa ay tilmaam u tahay horumarka aynu ka sameynayno dhanka Xiriirka Caalamiga ah iyo xasilloonida la isku halleyn karo ee ka jirta Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.

Danjire Nicolas Nihon ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadaha aqoonsiga ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay in xiriirka labada dal uu noqdo mid joogto ah oo ku dhisan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Belgium iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM