Farmaajo iyo Uhuru oo ku heshiiyay soo-celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta kulan uu dhex-dhexaadinayay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku yeeshay magaaladda Nairobi.

Villa Somalia ayaa shaacisay in Farmaajo iyo Uhuru ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo mugdi soo kala dhex-galay wixii ka dambeeyay Shirkii London ee arrimaha shidaalka.

"Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni," ayaa lagu sheegay qoraalka Madaxtooyadda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM