Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ
Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyey in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu dhammaadkii toddobaadkii tegay kulan kula yeeshay Abu Dhabi Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zaa’id Al Nahyan.
Xaqiijinta oo Isniintii soo baxday ayaa timid maalin kaddib markii warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in Netanyahu uu booqasho qarsoodi ah ku tegay Imaaraadka. Booqashadu waxay dhacday bil ka hor doorashooyinka Israa’iil, xilli ay taagan tahay dood ku saabsan warar sheegayay in Madaxweyne MBZ uu Netanyahu uga digay suurtagalnimada weerar weyn oo Xamaas qorshaynaysey wax yar ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar 2023.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil iyo sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa.
Wargeyska Israa’iil ee Haaretz ayaa 9-kii Sebteembar qoray in Madaxweyne MBZ uu telefoon kula hadlay Netanyahu qiyaastii 10 maalmood ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar, isla markaana uu uga digay hadal uu markaas hoggaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar ku sheegay inuu diyaarinayo “lama filaan weyn”. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in MBZ uu hore digniin ugu gudbiyey hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet.
Xafiiska Netanyahu ayaa beeniyey in ra’iisul wasaaruhu helay xog ku saabsan weerarka ka hor inta uusan dhicin. Maalintii xigtay, Netanyahu wuxuu sheegay inuu dacwad ka gudbin doono Haaretz, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid “la been abuuray” oo “si siyaasadaysan loo sameeyey”.
Weerarkii 7-dii Oktoobar, dagaalyahanno Falastiiniyiin ah ayaa koonfurta Israa’iil ku dilay ugu yaraan 1,195 qof, waxayna afduubteen ku dhowaad 250 kale. Weerarkaas kaddib, Israa’iil waxay qaaday duqeymo iyo hawlgallo milatari oo Gaza ka socda; tirada Falastiiniyiinta halkaas lagu dilay ayaa gaartay ugu yaraan 73,669.
GAROWE ONLINE