Muxuu Farmaajo u diidey in DF iyo maamulada ku kulmaan Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa uga soo horjeestay in Muqdisho lagu qabto shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda si hogaanka Puntland iyo Jubaland aysan fursad ugu helin ay la shiraan musharaxiinta iyo bulshadda caasimadda, sidda illo wareedyo loo-qaateen ah ay u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Intii uu socday iyo kadib shirarkii September ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda, hogaanka dowlad goboleedyadda ayaa bandhigyo siyaasadeed ka sameeyay caasimadda.

Villa Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku fekereysa in aysan sidaas dib dambe u dhicin isla markaana aysan musharaxiinta fursad u helin in ay la kulmaan hogaamiyeyaasha maamulada waddanka.

Farmaajo ayaa kadib cadaadis kaga yimid wakiiladda Beesha Caalamka wuxuu Sabtida maanta ah iclaamiyey in 1-da illaa 3-da Febraayo uu Dhuusamareeb ku qabsoomayo shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo maamulada si ay is-af-garad uga garaan khilaafka doorashada.

Warar lagu kalsoon-yahay ayaa u xaqiijiyey GO in Farmaajo uu kalkii hore damacsanaa in Baydhabo ku qabsoomo shirka balse ay ka biyo-diideen saaxiibadda caalamka oo ku talisay in wadahaladda ka dhacaan magaaladda caasimadda u ah waddanka ee Muqdisho.

Sidda ay fahfaahinadda caddeynayaan, madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo xiriirka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya uusan wanaagsaneyn ayaa kamid ah dhinacyadda su'aasha geliyay heerka isku-haleynta ammaanka magaala madaxda dowladda federaalka.

"Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Qabsoomida shirkaan ayaa ka dambeysay kadib dedaalo dhowr ah oo wakiiladda Beesha Caalamka ay sameeyaan maalmihii lasoo dhaafay.

Farmaajo ayaa si weyn uga soo horjeedo in uu mar kale miiska wadahadalka la fariisto madaxda dowlad goboleedyadda gaar ahaan Puntland iyo Jubaland – kuwaas oo diidmo xoogan ka muujiyey guddiyada xukuumadda shaacisay, ciidamadda ay geysay Gedo iyo qaabka ay u qorsheysay in lagu soo xulo wakiilada Somaliland ku metela baarlamaanka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo dilay in Ka badan 40 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab

Dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale si joogto ah weeraro uga fulisa meelo ka mid ah Soomaaliya, si ay u baabi'iyaan goobaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 11:03AM

Itoobiya oo Horumar Ka Sameeyay Wadahadallada Helitaanka Dekedda

Tani waa horumar weyn oo lagu gaarayo xal waara oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee helitaanka dekedda.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 07:21AM