Taliyaashii ciidamada Nabad Sugidda, Booliiska iyo Milatariga oo xilkii laga qaaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka qaadis ku sameeyay saddexda mas’uul ee ugu sareeya ciidamada qalabka sida, sirdoonka, Booliiska iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka.

Wareegta kasoo baxday Villa Somalia, ayaa xilkii looga xayuubiyay taliyihiin Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Cabdulqaadir Gaafow Maxamud, Taliyihiin ciidanka Milatariga Maxamed Aadan Buud, Taliyihiin ciidanka Booliiska Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo abaanduulihii ciidanka xoogga dalka Jen. Cali Baashi.

Mas’uuliyiintaas ayaa lagu badalay Afar nin oo ku jiro Safiirkii dowladda Somalia u fadhiyay dalka Ingiriiska.

Farmaajo, ayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia u magacaabay, Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo booskan soo qabtay sannadkii 2011.

Taliyaha Booliiska ayaa laga dhigay, Cabdixakiim Daahir Saciid, halka taliyaha ciidanka Sirdoonka iyo nabad-sugidda loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo iminka katirsan Barlamanka dowladda Federaalka Somalia.

Abaanduulah ciidanka xoogga dalka Somalia, ayaa loo magacaabay Jeneral. Cabdullaahi Cali Caanood, waxaana laga qaaday Cali Baashe.

Waa xil ka qaadistii ugu weynayd ee uu sameeyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana tallaabadan oo kale qaaday sannadkii 2011 Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Arrintan ayaa timid xilli Madaxda cusub ay ballan qaadeen inay wax ka qaban doonaan ammaanka islamarkaana kooxda Al Shabaab ka sifeyn doonaan guud ahaan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay baaqa Xasan Sheekh

Xasan Sheekh ayaa isku soo koobey xukunka dalka, iyadoo taasi dhaxal-siisay inuu ku guuleysan waayay dagaalka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-03-2025

  • 09:59AM

Somaliland oo Ka Hadashay Dalabka Xasan Sheekh u gudbiyay Mareykanka ee Dekadda Berbera

Dowladda Soomaaliya ayaa weli si xoogan uga soo horjeedda in Somaliland loo aqoonsado sidii waddan madax-bannaan.

  • Soomaliya

    29-03-2025

  • 02:05PM