Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo Is casilaya Kadib Fashilkii Aadan Yabaal 

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dib u habeyn ku sameeyo hogaanka sare ee ciidanka qaranka, kadib markii Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu gudbiyay is casiladiisa.

Is casilaadda Jeneraal Odowaa po wali lashaacin, ayaa timid kadib markii Al-Shabaab ay dib u qabsatay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo ahayd saldhig muhiim u ah ciidamada dowladda, oo laga qorsheyn jiray howlgallada militeri ee gobolkaas.

Odowaa ayaa xilka laga qaadey June 2023, iyadoo dib loogu soo celiyay markale Nov, 2024, isagoo hadda oo wax ka yar sanad jooga xafiiska iska-casilayaa xilka, maadaama uu jiro fashil dhanka dagaalka Al-Shabaab, oo madaxda sare qeyb ku leeyihiin, maadaama isbedello joogto ah ku sameeyeen taliyaasha Ciidamada militeriga.

Weerarka Al-Shabaab ee Aadan Yabaal ayaa sababay khasaarooyin nafeed oo askar iyo Saraakiil lagu waayay iyo hub badan, iyadoo ciidamada dowladda ay ku khasbanaadeen inay ka baxaan magaalada markii dhowr jiho xili ay huradyeen lagu qaadey 16 Apr 2025.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabsatay 10 saldhig oo milatari ah, halka saraakiisha dowladda ay sheegeen inay iska difaaceen weerarada Kooxda.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa kulan deg deg ah la yeeshay Taliska militeriga kadib markii dowladda gacanteeda ka baxday Aadan Yabaal, waxaana taliyeyaasha ku canaantay fashilkaas, maadaama uu dhabar-jab ku yahay howlgalkii socday.

Xasan Sheekh ayaa booqday Aadan Yabaal March 2023 kadib markii lala wareegay dhamaadkii 2022, si uu taageero ugu muujiyo ciidamada, balse weerarkii Al-Shabaab ayaa muujinaya in kooxda ay sii kordhinayso awooddeeda iyo weerarradeeda gobolka.

Dowladdu waxay hadda wado qorsheyaal lagu xoojinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la filayo in la magacaabo taliyayaal cusub oo hogaamin doona hawlgalladaas.

Is casilaadda Jeneraal Odowaa iyo dib u habeynta hogaanka sare ee ciidamada ayaa muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay awood u la'dahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo soo celinta amniga dalka, sida ay sheegeen khubarada militeriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM