300 caruur ah oo illaa hada sanadkan badda Mediterranean-ka

Image
Safarka doomaha ee Liibiya ama Tuniisiya ilaa Yurub caadi ahaan qiimihiisu waxaa uu gaarayaa $7,000.

NEW YORK, USA - Ugu yaraan 289 caruur ah ayaa ku dhintey badda lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan Yurub, sidda ay sheegtay hay’adda UNICEF.

Tiradan ayaa ku dhow laban-laabka tirada la diiwaan geliyay qeybtii hore ee sanadkii 2022. UNICEF ayaa intaas ku dartay in carruurtu ay safarro halis ah ku soo mareen badda Mediterranean-ka.

Verena Knaus, oo ah hogaanka caalamiga ah ee UNICEF ee socdaalka iyo barakaca, ayaa xustey in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay sare u kacdo lambarka hadda la hayo.

Qodobkan ayay ku sababaysay "maadaama ay jiraan doonyo badan oo ku burburtay Bartamaha Mediterranean-ka aysan cidna ka tagin ama aan la diiwaan gelin".

Qiyaastii wadar dhan 11,600 oo carruur ah ayaa ka tallaabay lixdii bilood ee ugu horreysay 2023 - waana ku dhawaad ​​laba jibaar in ka badan isla muddadaas 2022-ka.

Warbixin kooban oo uu ku siiyay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Knaus waxay ku caddeysay in badi caruurtan ay ahaayeen kuwa aysan la socon waalidiintooda.

"Gabdhaha keligood safraya waxay si gaar ah ugu dhowdahay inay la kulmaan rabshado ka hor ama inta lagu jiro iyo ka dib safarkooda khatarta badan," ayay hadalkeeda raacisay.

Ugu dambeyntii, safarka doomaha ee Liibiya ama Tuniisiya ilaa Yurub caadi ahaan qiimihiisu waa $7,000, sidda laga soo xigtey UNICEF oo ku baaqdey in xal loo helo qaddiyaddan murugada leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM