Abiy Ahmed oo Digniinna u Diray Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Image

ADDIS ABABA – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ballan qaaday in dalkiisu uu "saxayo khaladkii taariikhiga ahaa" ee uu ku waayay marin toos ah oo uu u maro Badda Cas, isagoo ku tilmaamay arrintan mid halis ku ah jiritaanka qaranka Itoobiya. Hadalladan ayaa la filayaa inay sii kiciyaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Itoobiya, Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Wareysi uu bixiyay 1-dii Sebtembar oo uu siiyay telefishinka qaranka Itoobiya (ETV), Abiy wuxuu si cad u sheegay in luminta badda ee ka dhalatay xorriyaddii Eritrea 30 sano kahor aysan sii socon karin. “Khaladkii la galay 30 sano kahor, berri baa la saxayaa,” ayuu yiri. “Badda Cas 30 sano kahor waxay gacanta ugu jirtay Itoobiya. Taasi waxay ahayd khaladkii shalay. Berrina waa la saxayaa. Ma aha arrin adag.”

Wuxuu sheegay in kororka tirada dadka Itoobiya iyo hamiga dhaqaale ay dalka ku qasbeyso inuu badda ku laabto. “Waxaan aamusaneynay tobanaan sano, laakiin in aan ahaano dal xiran ma aha wax la aqbali karo,” ayuu yiri. “Tani ma aha arrin kibir ah — waa arrin quseysa jiritaanka dalkeena.”

Hadalladan ayaa ku soo beegmay maalmo uun kaddib markii Taliyaha Diblomaasiyadda Militariga Itoobiya, Jen. Teshome Gemechu, uu ku tilmaamay dekedda Assab ee Eritrea “yool qaran.” Dowladda Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay hadalladaasi, iyadoo ku tilmaantay qorshaha Itoobiya mid khatar ku ah madax-bannaanideeda, isla markaana ah “ajande sun ah oo sheegasho dhul.”

Abiy wuxuu hadalladiisa ku beegay xilli xiisadda gobolka ay cirka isku shareertay, gaar ahaan kaddib markii Masar ay billowday inay ciidamo u dirto Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika. Itoobiya ayaa arrintan si weyn uga shakisay, iyadoo ku xirtay khilaafka ay muddo dheer la lahayd Qaahira ee la xiriira Biyaha Webiga Niil iyo mashruuca weyn ee Biyo-xireenka GERD.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, Suleiman Dedefo, ayaa toddobaadkii hore sheegay in joogitaanka ciidamada Masar uu noqon karo “caqabado siyaasadeed iyo istaraatijiyadeed” oo ka dhan ah 4,000 askari oo Itoobiyaan ah oo horey ugu sugnaa gudaha Soomaaliya. Masar ayaa diiday sheegashadaas, iyadoo sheegtay in ciidamada ay yihiin kuwo lagu casuumay, islamarkaana ansixiyay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Nuur, ayaa si diirran u soo dhaweeyay taageerada Masar, isagoo bishan ku sheegay in Soomaaliya aysan mar dambe sugeynin ogolaansho cid kale si ay ula shaqeyso dowlado kale. “Soomaaliya waxay ka gudubtay marxaladdii ay la sugayay talo iyo ogolaansho; hadda annaga ayaa go’aansanayna cidda aan la shaqeyno,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa bisha Luulyo ku adkeeyay in taageerada Qaahira ee Soomaaliya ay ku saleysan tahay ilaalinta midnimada, xasiloonida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay maalgelin joogto ah oo lagu taageerayo howlgalka AUSSOM si looga hortago fursadaha al-Shabaab.

Masar ayaa sidoo kale xoojisay xiriirkeeda dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee ay la leedahay Eritrea, waxaana labada wadan ay ku heshiiyeen bishii Luulyo inay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha gobolka, xilli Masar ay kordhiso doorkeeda militari ee Soomaaliya.

Isbahaysiga Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa xoogaystay tan iyo bishii Oktoobar 2024, markii Itoobiya ay saxiixday heshiis muran dhaliyay oo ay kula gashay Somaliland, kaasoo siinaya Itoobiya marin badeed dekedda Berbera – heshiiskaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay jebin ku ah madax-bannaanideeda dhuleed.

Dhanka kale, Abiy wuxuu ku tilmaamay himilooyinka Itoobiya ee Badda Cas inay qeyb ka yihiin aragtidiisa horumarineed ee qaran, isagoo tusaale u soo qaatay dhismaha biyo-xireenka GERD. “Hadda oo aan ku guulaysanay mashruucan waaweyn sida GERD, waxaan kalsooni ku qabaa inaan bilaabi karno kuwo kale oo kale ah 5, 10 ama 15 sano gudahood. Haddii aan taas dhisnay, maxaa kale oo aan dhisi kari weynay?” ayuu yiri.

GERD, oo ah biyo-xireenka ugu weyn Afrika, ayaa la filayaa inuu soo saaro in ka badan 5,000 megawatt oo koronto ah. Wuxuu sabab u noqday khilaaf ballaaran oo ay Itoobiya la leedahay Masar iyo Suudaan, kuwaas oo ka walaacsan saameynta uu ku yeelan karo qul-qulka Webiga Niil.

Abiy wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in GERD laga furi doono dalxiisayaasha gudaha Itoobiya 15 maalmood gudahood, isagoo sheegay in in ka badan 100 guri oo martida lagu dajiyo laga hirgeliyay goobta.

Tan iyo markii ay Itoobiya noqotay dal aan lahayn marin badeed (landlocked) kaddib xornimada Eritrea ee 1993, waxay dadaal ugu jirtay dib-u-dhisidda ciidan badeedkeedii burburay. Abiy, oo xukunka la wareegay 2018, wuxuu dib-u-habaynta ciidanka qeyb ka dhigay qorshihiisa qaran, isagoo aaminsan in ciidamada qalabka sida ay “la jaanqaadaan isbedelka caalamka si ay uga mid noqdaan horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.”

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar iyo Sudan oo Wadajir uga Hor Yimid Biyo-xireenka webiga Niil ee dalka Itoobiya

Masar ayaa sanadkii hore joojisay wada-xaajoodyadii, iyada oo ku eedeysay Addis Ababa in aysan muujin doonin rabitaan siyaasadeed.

  • Afrika

    06-09-2025

  • 09:30AM

Dowladda Congo oo Shaacisay in Cudurka Ebola Mar Kale Ka Dilaacay dalkaas

Tani waa markeedii 16-aad oo cudurka Ebola laga helo gudaha Congo tan iyo markii ugu horreysay ee uu dillaacay sannadkii 1976.

  • Afrika

    05-09-2025

  • 02:46PM