Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Hawlgal ballaaran oo ay iska kaashadeen laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa lagu fashiliyey shabakad caalami ah oo la rumeysan yahay inay saadka u rari jireen kooxda Al-Shabaab, ka dib markii tobannaan kish oo ay ku jiraan dharka tuutaha ciidanka laga helay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Hawlgalkan oo ku salaysnaa xog sirdoon oo rasmi ah ayaa ka dhacay agagaarka garaashka KBS ee Islii, waxaana iska kaashaday cutubyo ka tirsan dambi-baarista DCI iyo qaybta ka hortagga argagixisada ee ATPU. Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay kishash ay ku jiraan boqolaal kamid ah dharka tuutaha ee loo yaqaan camouflage iyo funaanado badan oo loo diyaariyey in loo gudbiyo goobaha ay ku dhuumaalaystaan maleeshiyaadka.

Sida ay sheegeen baarayaashu, guushan ayaa timid ka dib markii la daba-galay rarkii u dambeeyay ee laga qabtay magaalada Dhoobley ee xadka Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Jubaland ay horay ugu qabteen 25 kish oo dhar noocan oo kale ah ah. Baaritaanka ayaa muujinaya in agabkan laga soo dhoofiyey dalka Shiinaha, isagoo ka soo galay dekedda Mombasa, ka dibna lagu soo qariyey bakhaarro ku yaalla Islii.

Maamulaha goobta alaabta lagu keydiyey oo lagu magacaabo Cumar Cilmi Isaaq iyo shaqaale ka tirsan shirkad xamuul oo lagu magacaabo Cabdifataax Aadan ayaa hadda u xiran booliska. Sidoo kale, baarayaashu waxay dabagal ku hayaan shaqsiyaad kale oo lagu kala magacaabo Shariif iyo Cabdiqaadir, kuwaas oo la rumeysan yahay inay qayb ka yihiin silsiladda keenista iyo gudbinta agabka ciidanka.

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab, iyadoo dhammaan agabkii la qabtay loo wareejiyey xafiiska ATPU si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Senegal oo xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, dowladdiina kala diray

Tallaabada Madaxweyne Faye ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib u dhac kale oo ku yimaada wada-hadallada cusub ee IMF iyo Senegal.

  • Afrika

    23-05-2026

  • 11:06AM

Kenya: Ugu Yaraan Afar Qof oo Ku Dhintay Dibaydaxyo Ka Dhan Ah Sicir-bararka Shidaalka

Tani waxay ku qasabtay ardayda iyo shaqaalaha inay masaafo dheer u lugeeyaan iskuulada iyo goobaha shaqada.

  • Afrika

    19-05-2026

  • 12:12PM