Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Image

Jabuuti — Dadka reer Jabuuti ayaa la filayaa inay maalinta Jimcaha ah u dareeraan doorashada madaxtooyada, iyadoo si weyn loo saadaalinayo inuu mar kale guuleysan doono madaxweynaha xilka haya, Ismaaciil Cumar Geelle. 

In ka badan 200,000 oo qof ayaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan, iyadoo ay tartanka ku jiraan laba musharrax oo keliya. Xisbiga talada haya ee Rally for the People’s Progress (RPP) ayaa la filayaa inuu helo codadka ugu badan, sida ay sheegayaan falanqeeyayaal.

Geelle, oo talada dalka hayay tan iyo 1999, ayaa doorashooyinkii hore ku guuleysan jiray cod aad u sarreeya. Wuxuu helay qiyaastii 74 boqolkiiba codadkii 1999, in ka badan 90 boqolkiiba 2005, ku dhowaad 80 boqolkiiba 2011, iyo qiyaastii 86 boqolkiiba 2016. Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Doorashada ayaa la filayaa inay ku dhacdo jawi nabadeed, iyadoo aanay jirin mucaarad weyn oo walaac ka muujiyay hannaanka doorashada ama ku hanjabay inay diidi doonaan natiijada.

Doorashada waxaa qabanaya wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti, halka kormeerayaal caalami ah ay joogaan dalka si ay ula socdaan habsami u socodka codbixinta. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in doorashooyinkii hore ay si nabad ah u dhici jireen, iyada oo nolosha caadiga ah aanay istaagin — arrin Jabuuti kaga duwan dalal kale oo qaaradda Afrika ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Senegal oo xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, dowladdiina kala diray

Tallaabada Madaxweyne Faye ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib u dhac kale oo ku yimaada wada-hadallada cusub ee IMF iyo Senegal.

  • Afrika

    23-05-2026

  • 11:06AM

Kenya: Ugu Yaraan Afar Qof oo Ku Dhintay Dibaydaxyo Ka Dhan Ah Sicir-bararka Shidaalka

Tani waxay ku qasabtay ardayda iyo shaqaalaha inay masaafo dheer u lugeeyaan iskuulada iyo goobaha shaqada.

  • Afrika

    19-05-2026

  • 12:12PM