Abiy Axmed oo ka qaylo-dhaamiyey faragelin "bidix iyo midig ah"

Image
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay "in gacmo shisheeye ay caqabad ku yihiin nabadda Itoobiya".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in "faragelin weyn oo shisheeye" lagu hayo wadahadalka u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Tigray balse uu rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro.

Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN), Mr Abiy ayaa xusay in Itoobiyaanku ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin.

"Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay," ayuu yiri Abiy. "Dadka Itoobiya waa inay fahmaan inaan arrimaheena ku xallin karno nafteena."

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay qabsashada ay ciidamada federaalku aka qabsadeen magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa ee Tigray-ga bishii hore jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

"Waxaan isku dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal dowlad oo ka tirsan Itoobiya," ayuu yiri.

Dhanka kale, afhayeen u hadashay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Isniintii sheegtay "ma jirin wax xaddidan oo taariikh ah" wadahadallada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Wada xaajoodka oo 25-kii Oktoobar ka bilowday Koonfur Afrika ayaa socday Isniintii inkastoo markii hore la filayay in la soo gabagabeeyo Axadda. Lama ogga qodobadda wali la isku afgartay ama arrimaha kale ee wali la isku mari la'yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM