Abiy Axmed iyo Michael Pompeo oo wada hadalo telefoonka ah yeeshay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa wada hadalo dhanka telefoonka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Michael R. Pompeo, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ugu horeyn, Pompeo ayaa Abiy Axmed wuxuu ugu hambalyeeyay guushiisa abaalmarinta nabadda aduunka ee Nobel Peace Prize.

"Wasiirka waxa uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay xoojinta iskaashiga Mareykanka iyo Itoobiya," ayuu yiri xafiiska Abiy. "…iyo taageeradda Washington ee dib u habeynta taariikhiga ah ee Itoobiya".

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale kawada xaajoodey dibad-baxyadda kasoo cusboobaadey gobolka Oromada, waxayna isla meel-dhigeen baahida loo qabo in qaab nabadoon loo wajaho isku dhacyada qowmiyadaha.

"Xoghaye Pompeo iyo Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale kawada xaajoodey arrimaha gobolka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waydiistay wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa in uu taageero fuinta qorshaha Dowlad Midnimo Qaran ah oo ka hirgasho dalka Suudaanta Koonfureed iyo Heshiiska Nabadda.

Wada hadalkan ayaa imaanaya xili Itoobiya ay xaqiijisay in tobanaan ruux ay ku naf-waayeen mudaaharaadyo ay kasoo cusboonaadeen Itoobiya markii ciidamada hareeyeen hoyga Jawar Maxamed, oo u ololeeya xuquuqda Oromada.

Jawar Maxamed, oo degan Mareykanka kana mid ahaa raggii ugu dambeeyay ee soo laabtay markii uu xilka la wareegey Abiy ayaa horkacayey banaanbaxii xilka looga tuuray ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM