Abiy: Xoog ayaan ku raadineynaa hadaan nabad ku wayno dekad

Image
Hadalkaas ayaa imaanaya xilli dalka Itoobiya uu samaystay sanadihii danbe ciidamada Badda iyada oo aan la ogayn halka loo diyaarinayo.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo dhawr bari kahor ka hadlayay shir uu la qaatay Ganacsato iyo maal-gashadayaal ka socda dalal kala duwan ayaa soo hadal qaaday go'doonka uu dalkiisu ku jiro.

"Itoobiya waa in ay heshaa Deked ay u madax banaan tahay. Wado nabadeed ayaan u maraynaa laakiin hadii ay socon waydo Awood ayaan adeegsanaynaa".

Hadalkaas ayaa imaanaya xilli dalka Itoobiya uu samaystay sanadihii danbe ciidamada Badda iyada oo aan la ogayn halka loo diyaarinayo.

Waxaa muddo dheer soo taagnayd hadal haynta ah in Itoobiya damac kaga jiro dakadaha Berbera, Zeylac ama Bul-xaar.

Gobalka Soomaalida ayaa la rumeysan yahay in ay ku yaaliin dekedaha "ugu beylah-san" ee Itoobiya xoog ku tijaabin karto iyada oo haatan ay xasarado ka aloosan yihiin Somaliland.

Dagaalada kasoo cusboonaaday duleedka caasimada Hargeysa ayaa noqonaya mid waji hor leh u yeelaya degenaanshihii Somaliland oo sanadkii u danbeeyay uu gacanteeda ka baxay gobalka Sool.

Barnaamijka Inside Story ee Telefishinka Al Jazeera oo hadalka Abiy Ahmed lagu soo qaaday ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaan, Kamaal Xaashi Maxamuud oo ah Soomaali xubin ka ah Barlamaanka federaalka Itoobiya.

Kamaal ayaa difaacay hadalka Abiy isaga oo sheegay in uu ahaa mid wado nabad ah in lagu doono diiradda saarayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM

Congo: Meydad badan oo laga helay magaalo Mucaaradka la wareegay

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 09:00AM