Abiy: Xoog ayaan ku raadineynaa hadaan nabad ku wayno dekad

Image
Hadalkaas ayaa imaanaya xilli dalka Itoobiya uu samaystay sanadihii danbe ciidamada Badda iyada oo aan la ogayn halka loo diyaarinayo.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo dhawr bari kahor ka hadlayay shir uu la qaatay Ganacsato iyo maal-gashadayaal ka socda dalal kala duwan ayaa soo hadal qaaday go'doonka uu dalkiisu ku jiro.

"Itoobiya waa in ay heshaa Deked ay u madax banaan tahay. Wado nabadeed ayaan u maraynaa laakiin hadii ay socon waydo Awood ayaan adeegsanaynaa".

Hadalkaas ayaa imaanaya xilli dalka Itoobiya uu samaystay sanadihii danbe ciidamada Badda iyada oo aan la ogayn halka loo diyaarinayo.

Waxaa muddo dheer soo taagnayd hadal haynta ah in Itoobiya damac kaga jiro dakadaha Berbera, Zeylac ama Bul-xaar.

Gobalka Soomaalida ayaa la rumeysan yahay in ay ku yaaliin dekedaha "ugu beylah-san" ee Itoobiya xoog ku tijaabin karto iyada oo haatan ay xasarado ka aloosan yihiin Somaliland.

Dagaalada kasoo cusboonaaday duleedka caasimada Hargeysa ayaa noqonaya mid waji hor leh u yeelaya degenaanshihii Somaliland oo sanadkii u danbeeyay uu gacanteeda ka baxay gobalka Sool.

Barnaamijka Inside Story ee Telefishinka Al Jazeera oo hadalka Abiy Ahmed lagu soo qaaday ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaan, Kamaal Xaashi Maxamuud oo ah Soomaali xubin ka ah Barlamaanka federaalka Itoobiya.

Kamaal ayaa difaacay hadalka Abiy isaga oo sheegay in uu ahaa mid wado nabad ah in lagu doono diiradda saarayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM