Abiy Axmed: Geesiga cusub ee Afrika ee galbeedka ku qaldamay
ADDIS ABABA, Ethiopia - Cadeymo cusub ayaa muujinaya in ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu qorsheynayay olole millatari oo uu ka sameeyo waqooyiga gobolka Tigray muddo bilo ah ka hor inta uusan dagaal dhicin sanad ka hor, New York Times ayaa warbixinteedii ugu dambeysay sidaas ku tiri.
Warbixintan dharbaaxadda ku ah maamulka Abiy ayaa ciwaan looga dhigay "Guuleystaha Biladda Nabadda ee Nobel ee dhabaha u jeexay dagaalka".
Gudaha warbixinta, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in socdaalka Mr. Abiy ee nabad-doonka ilaa taliyaha goobta dagaalka ay tahay sheeko digniin ah oo ku saabsan sida reer galbeedka oo rajo ka qaba inay helaan geesiga cusub Africa, ay ku qaldameen hogaamiyahan.
Dhanka kale, Weriye muuqaal duube madax-banaan oo loo aqoonsaday in uu la shaqeeyo wakaaladda wararka ee Associated Press ee Itoobiya ayaa boolisku ku xidhay caasimadda Addis Ababa, sida uu sheegay ururka wararka Arbacadii.
Amir Aman Kiyaro ayaa lagu xiray amarka cusub ee xaaladda degdegga ah ee la xiriira kaasoo soo baxay Nov. 28 ka dib markii uu ka soo laabtay gurigiisa. Wax dacwad ah laguma soo oogin.
Ethiopia ayaa haatan wajahaya qalalaase dhexdeeda ah iyadda oo gobolka Tigray uu xudun-u-yahay colaadda sokeeye in ka badan muddo sanad ah mana muuqato ifafaalo xal nabadeed.
Mr Abiy ayaa ciidamo u diray gobolka Tigray si ay meesha uga saaraan kooxda TPLF kadib markii uu sheegay in ay weerareen xeryo ciidan.
Laakiin bishii June ee sanadkan ayay jabhaddu dib u soo kabatey, waxayna dib u qabsadeen inta badan Tigrayga, waxayna u sii gudbeen gobollada deriska la ah ee Amxaaradda iyo Canfarta.
Cabsida laga qabey iney jabhadda ku soo wajahan Addis Ababa ayaa keentay in dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ay ku booriyaan muwaadiniintooda inay ka baxaan Itoobiya bishii hore.
Wixii markaas ka dambeeyay, ciidamada federaalka ayaa dib ula wareegay tiro magaalo oo muhiim ah oo ku taal wadada aada caasimadda.
GAROWE ONLINE