Afar qof oo ka tagtay Soomaaliya oo loo karantiilay Coronavirus

Image

NAIROBI, Kenya – Laamaha nabad-gelyadda Kenya ayaa maanta shaaca ka dhigay in ay degaanka Diff ee ismaamulka Wajeer kuna dhow xadka Soomaaliya ay ku qabteen afar qof oo ka timid dhanka wadanka Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in shaqsiyaadkaas looga kaxeeyay goobta gaari Ambalaas ah lana geeyay xarun lagu karantiilo dadka lagu tuhmo colka safmareenka ah ee loo yaqaano Coronavirus.

Jacob Narengo, taliyaha bileyska gobolka, ayaa xaqiijiyey in dadkaas aysan ka muuqan astaamaha, balse ay taxadarayaan. Wuxuu caddeeyay in laga qaadayo baaritaan natiijadiisa la sugayo 14-maalmood.

"Waxaa loo qabtay maadaama nagula amray in aan hakino qof walba oo ka baxaya ama soo galaya dalkeena," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ismaaciil Isaaq, madaxa caafimaadka dowlad goboleedka, ayaa ku tilmaamay Soomaaliya "dal ku waabariista" cudurka xanuunka Covid-19.

"Waan u digeynaa dadkeena. Soomaaliya hadda waxay la ildaran tahay arrintaan. Dadka waa in ay dhab u qaataan halista. Coronavirus ma ahan wax kaftan ah," ayuu cod dheer kusoo jeediyey sarkaalka.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 528 kiis oo ah caabuqaa sidda fudud ku faafa; si lamid ah 28 dhimasho ah iyo 14 oo ka caafimaadey. Dhanka kale, Kenya waxaa laga helay 374 kiis; 14 geeri ah iyo 124 kalena ka bogsootay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM