Afar qof oo qarax ugu dhintay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan.

NAIROBI, Kenya – Inta la xaqiijiyay Afar qof ayaa ku dhimatay degmada Wajeer ee waqooyi bari Kenya ka dib markii gaari ay wateen uu haleelay qarax la dhigay wadada dhinaceeda sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Waa dhacdadii labaad ee noocaan oo kale ah oo ka dhacda Kenya todobaadkaan, Isniintii ayay aheyda markii bas ku socdaalayay waddo weyn oo ku taal degmada Mandheera uu la leelay qarxan miino.

Toban qof ayaa ku dhintay qaraxaas sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Kenya.

Labada qarax ayaa ka dhacay deegaano ku teedsan xuduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya halkaas oo la rumaysan yahay in ay joogaan maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, saraakiisha ammaanka iyo kaabayaasha isgaarsiinta ee gobollada waqooyi bari Kenya taas oo keentay cabsi soo wajahda Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro kala geddisan ka geystay deegaanka Mandera, gaar ahaanna wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 xilligaasi oo ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al-Shabaab.

Bishii Disembar ee saanadkii 2014 ayaa dabley ka tirsan Al-Shabaab waxa ay Mandera ku dileen ugu yaraan 36 qof oo dhammaantood ahaa dad ka soo jeeda gobollada kale ee dalka Kenya.

Sidoo kale bishii Nofember ee isla sanadkaasi, ururka Al-shabaab ayaa 28 qof oo u badnaa macallimiin ka soo jeeda gobollada kale ee Kenya waxa uu dilay weerar ay ku qaadaeen bas u socday magaalada Nairobi.

Sidoo kale, billowgii bishii Abriil ee sanadkii 2015 ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab waxay weerar dhiig badan ku daatay ku qaadeen jaamacad ku taal magaalada Garissa ee xarunta gobolka woqooyi-bari Kenya, halkaa oo ay ku dileen ugu yaraan 148 qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaasi.

15-kii bishii January ee sanadkii 2016-kii, waxaa saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gudaha Soomaaliya ka dhacay weerar ay mas'uuliyaddiisa sheegteen al-Shabaab kaas oo lagu dilay ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Kenya ee ka tirsan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM