Afar qof oo qarax ugu dhintay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan.

NAIROBI, Kenya – Inta la xaqiijiyay Afar qof ayaa ku dhimatay degmada Wajeer ee waqooyi bari Kenya ka dib markii gaari ay wateen uu haleelay qarax la dhigay wadada dhinaceeda sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Waa dhacdadii labaad ee noocaan oo kale ah oo ka dhacda Kenya todobaadkaan, Isniintii ayay aheyda markii bas ku socdaalayay waddo weyn oo ku taal degmada Mandheera uu la leelay qarxan miino.

Toban qof ayaa ku dhintay qaraxaas sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Kenya.

Labada qarax ayaa ka dhacay deegaano ku teedsan xuduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya halkaas oo la rumaysan yahay in ay joogaan maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, saraakiisha ammaanka iyo kaabayaasha isgaarsiinta ee gobollada waqooyi bari Kenya taas oo keentay cabsi soo wajahda Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro kala geddisan ka geystay deegaanka Mandera, gaar ahaanna wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 xilligaasi oo ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduudda Soomaaliya si ay u baacsadaan Al-Shabaab.

Bishii Disembar ee saanadkii 2014 ayaa dabley ka tirsan Al-Shabaab waxa ay Mandera ku dileen ugu yaraan 36 qof oo dhammaantood ahaa dad ka soo jeeda gobollada kale ee dalka Kenya.

Sidoo kale bishii Nofember ee isla sanadkaasi, ururka Al-shabaab ayaa 28 qof oo u badnaa macallimiin ka soo jeeda gobollada kale ee Kenya waxa uu dilay weerar ay ku qaadaeen bas u socday magaalada Nairobi.

Sidoo kale, billowgii bishii Abriil ee sanadkii 2015 ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab waxay weerar dhiig badan ku daatay ku qaadeen jaamacad ku taal magaalada Garissa ee xarunta gobolka woqooyi-bari Kenya, halkaa oo ay ku dileen ugu yaraan 148 qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaasi.

15-kii bishii January ee sanadkii 2016-kii, waxaa saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gudaha Soomaaliya ka dhacay weerar ay mas'uuliyaddiisa sheegteen al-Shabaab kaas oo lagu dilay ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Kenya ee ka tirsan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM