Afrika oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Image

NIGER - Warar soo baxay ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan militariga gaarka ah ee Ruushka "Wagner" ay ku sugan yihiin caasimadda Niger Niamey, ujeedaduna tahay in taageero militari ay u fidiyaan madaxda afgambiga Niger.

Shabakada "LSI Africa" ayaa cadeysey Sabtidii, in ay jiraan tababaryaal ka socda kooxda "Wagner" kuwaas oo haatan jooga Niamey.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Wagner ay ka taageeri doono madaxda afgambiga dhanka saadka si ay u xoojiyaan maamuulkooda.

Wararka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in cutub weyn oo Ruush ah oo ku qalabaysan hub casri ah, ay soo gaareen Mali habeenkii Jimcaha, si markii dambe loogu daabulo xuduudka Niger, soo sheegay saxafiga u dhow madaxda Mali Abdul Niang.

Sida laga soo xigtay ilaha ammaanka, waxaa jiri doona unug wadajir ah oo u dhexeeya Mali iyo Ruusahka kuwaas oo diyaar u ah inay soo farageliyaan xiisada ka taagan Niger, haddii ay dhacdo in Urur Goboleedka ECOWAS ay qaadaan tallaabo militari oo ka dhan ah madaxda afgambiga.

Ilo-wareedka ayaa laga soo xigtay: "24-ka saacadood ee soo socda waxay noqon doonaan kuwo go'aamin doona mustaqbalka Galbeedka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM