Ajaaniib Al-Shabaab dibadda ka qoratay oo kusoo qulqulaya Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Laamaha amaanka Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku qabtay labo nin oo ajaaniib ah xilli ay u socdeen in ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Saraakiishu waxay sheegeen in Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili, 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia, 30 jir ah ay wateen buug ay ku qornayd luqadda Sawaaxiliga oo ay u adeegsanayeen inay ku hagaan safarkooda Tansaaniya ilaa Jilib.

Sida laga soo xigtay booliska, tuhmanayaasha ayaa shaaca ka qaaday inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al Shabaab ka dib markii ay balan-qaad dhaqaale ka heleen kooxda, oo raggan kula xiriirtay qaab Online ah.

Booliisku waxuu sheegey in tani ay tahay hab dhaqan ay ku ogaadeen in dadka la qorayo ee u safraya in ay ku biiraan Al Shabaab ama Daacish, in la siiyo hab-raacyo safar oo ay uga fogaanayaan isgaarsiinta inta ay jidka ku jiraan ama ay dadka waydiinayaan jihada.

Ilo-wareedyo ka tirsan Boliska ayaa sheegay in laba toddobaad kahor la qabtay saddex kale oo Tanzanian ah oo kala ah Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma, kuwaasoo lagu qabtay isla aaggaasi Garissa, oo xadka Soomaaliya ku dhaw.

Muwaadin u dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale dhawaan lagu xiray magaalada Liboi, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, iyadoo booliisku ay sheegeen in arrintan ay ku suuragashay kadib markii ay iska kaashadeen laamaha ammaanka iyo bulshada.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl wadeenada gaadiidka dadweynaha inay ka digtoonaadaan oo ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.

Laamaha amaanka Kenya ayaa kordhiyey dabagalkooda iyo baaritaanada, iyadoo waqtiyadii dambe lagu arkay dhalinyaro u socdaaleysay inay ku biiraan kooxaha argagaxisada ah ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ajaaniibta ku biiraya kooxaha argagixisada Soomaaliya, ayaa inta badan loo adeegsadaa qaraxyo ismiidaamin ah oo meelo kala duwan ka dhaca, sida ay saraakiishu sheegeen. Kenya ayaa dhibane u noqotay weeraro noocaan ah oo ay dad badan ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM