Al-Shabaab "isku-dabariday" weerar bas oo la qabtay

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka Difaaca Kenya oo kaashanaya Ciidamada Amniga Jubaland ayaa xiray Cabdullaahi Dimbil Axmed, maskaxdii ka dambeysay weerar bas oo 2015 ka dhacay Mandera, sidda uu wariyey Strategic Intelligence.

Sidda ku xusan warbixinta, Dimbil oo ay wehliyaan maleyshiyaad kale ayaa Isniintii waxaa laga soo qabtay xero ku taala koonfurta Soomaaliya.

David Goldman, agaasimahay xarunta la dagaalanka argagixisada, amniga qaranka iyo faaqidaada mukhaabaraadka ee Kenya, ayaa xusay in Dimbil uu asal ahaan kasoo jeedo degaanka Kutulo ee ka tirsan ismaamul goboleedka Wajeer.

"Cabdullaahi Dimbil waa sarkaal ka tirsan waaxda dakhli uruurinta Al-Shabaab. Warbixino sirdoon ayaa xaqiijiyey in uu kasoo jeedo Kutulo oo ka tirsan ismaamul goboleedka waqoyga Kenya ku yaala ee Wajeer," ayuu bogga wariyey.

Mareegga ayaa intaas ku daray in latuhunsanaha uu maalgeliyo howlgalada Al-Shabaab una maamulo kumanaan kun oo doolar-ka Mareykanka.

"Wuxuu mas'uul ka yahay in dagaalameyaasha kasoo gudbaan xuduudaha iyo in uu maalgeliyo weerarada ka dhaca xuduudaha," ayuu xusay bogga.

Jariiradda maxaliga ah ee The Standard ayaa tibaaxdey in Dimbil uu sidoo kale ahaa maskaxda abaabushay weerar bas oo 2016-kii ka dhacay Mandera ayna wehliyeen Maxamed Cusmaan, Maxamed Axmed iyo Abuukar Yoonis.

Laba qof ayaa ku dhintay weerarkii baska ee Mandera ka dhacay 2015-kii si gaar ah waqooyi bari ee Ceelwaaq kuna dhow sohdinta Soomaaliya. Baska la beegsaday ayaa ka yimid Nairobi kuna sii jeeday Mandera.

Intii weerarka socday, koox Muslimiin ah oo ku socdaaleysay baska ayaa badbaadiyey Masiixiyiinta waxayna diideen in la kala sooco.

Goobjoogeyaal iyo mas'uuliyiin ayaa sheegay in mitidiinta oo maamulka baska la wareegay ay isku dayeen in ay kala saaraan, balse Muslimiinta una sheegeen maleyshiyaadka hubeysan in ay si wadajir u wada toogtaan ama ka tagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles