Al-Shabaab oo dib u bilowday beegsiga basaska rakaabka Kenya

Image
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen weerar ay Axadii fulisay kooxda.

NAIROBI, Kenya - Dhaawacyo ayaa lasoo wariyay kadib markii dabley la tuhunsan yahay in ay yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bas marayay tuuladda Matatu oo ka yimid Banisa kuna sii jeeday Mandheera, Axaddii.

Saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen falkaas kuwaasoo lagu waramay in ay kamid ahaayeen rakaabka baska loona badinayo in ay yihiin dad shacaba h.

Weerarka ayaa, sidda ku xusan warbixinta qeyb ahaan laga helay hay'adaha nabad-gelyadda, waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Olla iyo Lanfin, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Bishii Febraayo ee sanadkii 2020, Al-Shabaab ayaa qaaday laba weerar oo ka dhacay meel u dhow isla goobtan, oo uu ku jiro weerar ay ku beegsatay baska Mooyaale kaasoo ay ku dileen saddex qof.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka muujinayaan jiritaanka in aaggan ay ku yaalaan goobo ay Al-Shabaab ku tababaraan dagaalameyaasha ay qortaan.

Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay ka baqayaan inay hadlaan sababo ammaan dartood iyo in aysan taageero ka helin hay'adaha ammaanka Kenya.

Saddex maalmood ka hor ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegayay in askari kamid ahaa Keydka Booliska Kenya lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Guticha ee Waqooyiga Mandheera, sida ay qireen ilo deegaanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM