Al-Shabaab oo gudaha Kenya ku dishay dhowr qof
NAIROBI, Kenya – Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhimatay dagaal xubno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaan u dhow xadka ay wadaagaaan Soomaaliya iyo Kenya sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal deegaanka ah.
Xubnaha weerarka fuliyey ayaa gudaha u galay deegaanka Banisa oo hoostaga magaalada Mandera, waxayna halkaas ku dileen dhowr qof oo ka mid ah dadka deegaanka.
Sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah waxaa weerarkan lagu khaarijiyey laba qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka.
Dadka lagu dilay weerarka ayaa la sheegay in ay dagaalyahanada weerarka qaaday ugu tageen guryahooda, kadibna ay ku dileen halkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo la xiriira weerarkaas khasaaraha dhaliyey.
Kenya muddooyinkii lasoo dhaafay waxay kordhisay ciidamada ku sugan xadka labada dal, haddana weerarada ayaa ah kuwa sii socda. Weerarkaan ayaa imaanaya iyada oo Sabtidii ay Kenya xustay sanad-guuradii 6aad ee ka soo wareegtay weerarkii Ceel-cadde.
Duulaankaas oo horseeday khasaaraha badan dhaliyay ee boqolaalka askari looga dilay Kenya ayaa laguq eexay inuu ahaa weerarkii ugu halista badnaa ee lagu qaado ciidamada Kenya ee ku sugan Geeska Afrika.
Ugu yaraan 240 ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya [KDF] ayaa ku dhintay weerarkaas khasaaraha badan dhaliyay, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo joogitaanka ciidamada Kenya dalka.
Weerarka kadib ayaa sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee Kulbiyoow sanad kadib [2017]. Waxaa halkaasi lagu dilay 70 askari.
Sannad-guuradii labaad ayaa ahayd weerarkii dhismaha Dusit D2 ee magaalada Nairobi, caasimadda Kenya 2019. Tani waxay ahayd tii ugu dambaysay.
Weerar ballaaran oo Al-Shabaab ay ka geysteen gudaha Kenya. Weerarkan ayaa sababay in ciidamada Kenya ay sare u qaadaan weerarada iyo howlgalada xoogan ka dhanka ah mintidiinta.
Hadda, waxaa guud ahaan gobolka ku sugan ku dhawaad 7,000 oo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab balse intooda badan waxay ku sugan yihiin Soomaaliya, sida lagu sheegay tirokoob uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika. Taliska ayaa si dhow ugala shaqeynayay la dagaalanka Al-Shabaab Bariga Afrika.
GAROWE ONLINE