Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gudaha Kenya

Image
Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee gulufka ay hogaamineyso dowladda Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii baabuur yar oo bas ah oo ku sii jeeday Takaba oo ka yimid Mandheera ay miino kula qaraxday meel u dhaxaysa Wargaguduud iyo Elele, Arbacadii

Dhaawacyo ayaa sidoo kale la sheegay. Sida ay wararku sheegayaan, dhaawacyadda ayaa u badan dad shacab ah kuwaas oo xaaladooda lagula tacaalayo isbitaaladda.

Al-Shabaab ayaa todobaadkan ku hanjabtay weeraro kale oo ay Kenya ka geysan doonto, si ay uga aargoosato duqeymo ay ciidamada Kenya ka geysteen Saakow iyo Salagle.

Xataa ka hor inta aan la soo sheegin duqaymaha cirka, Al-Shabaab waxa ay u muuqdeen in ay kordhiyeen weerarrada waqooyi bari iyo Lamu, oo ay la beegsadaan baabuurta rayidka ah iyo sidoo kale ciidammada ammaanka Kenya.

Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay ka qeyb qaataan wejiga 2-aad ee howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

June 20, 2023, Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka Kenya oo galbinayey gaari rayid ah, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo saraakiil boolis.

Maleeshiyaadku waxay la beegsadeen gaadhiga Landcruiser-ka bilayska oo ay la eegteen miino loo maleynayo in dhulka lagu aasay, waxaana wehliyey weerar gaadmo ah.

Ugu yaraan saddex ayaa ku dhintay, qaar kalena waa ay dhaawacmeen. Waxaa gaariga booliska la socday 7 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka. Al-Shabaab ayaa tibaaxdey in uu guuleystay howlgalkoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM