Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gudaha Kenya

Image
Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee gulufka ay hogaamineyso dowladda Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii baabuur yar oo bas ah oo ku sii jeeday Takaba oo ka yimid Mandheera ay miino kula qaraxday meel u dhaxaysa Wargaguduud iyo Elele, Arbacadii

Dhaawacyo ayaa sidoo kale la sheegay. Sida ay wararku sheegayaan, dhaawacyadda ayaa u badan dad shacab ah kuwaas oo xaaladooda lagula tacaalayo isbitaaladda.

Al-Shabaab ayaa todobaadkan ku hanjabtay weeraro kale oo ay Kenya ka geysan doonto, si ay uga aargoosato duqeymo ay ciidamada Kenya ka geysteen Saakow iyo Salagle.

Xataa ka hor inta aan la soo sheegin duqaymaha cirka, Al-Shabaab waxa ay u muuqdeen in ay kordhiyeen weerarrada waqooyi bari iyo Lamu, oo ay la beegsadaan baabuurta rayidka ah iyo sidoo kale ciidammada ammaanka Kenya.

Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay ka qeyb qaataan wejiga 2-aad ee howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

June 20, 2023, Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka Kenya oo galbinayey gaari rayid ah, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo saraakiil boolis.

Maleeshiyaadku waxay la beegsadeen gaadhiga Landcruiser-ka bilayska oo ay la eegteen miino loo maleynayo in dhulka lagu aasay, waxaana wehliyey weerar gaadmo ah.

Ugu yaraan saddex ayaa ku dhintay, qaar kalena waa ay dhaawacmeen. Waxaa gaariga booliska la socday 7 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka. Al-Shabaab ayaa tibaaxdey in uu guuleystay howlgalkoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM