Al-Shabaab oo lix qof ku gowracdey tuulooyin ku yaala Kenya

Image
Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay burburiyeen lix guri.

NAIROBI, Kenya - Wargeyska Daily Nation ee Kenya ayaa soo sheegaya dil fool xun ay maleeshiyada Al-Shabaab ka geysteen laba tuulo oo ku taal gobolka xeebta ee Lamu fiidnimadii Sabtida.

Dagaalameyaasha hubeysan ayaa la sheegay in dadkaasi ay qoorta kaga gooyeen tuulooyinka Salaama iyo Juxudi. Muuqaalo ku faafay internet-ka ayaa muujiyey xaalad halis ah.

Dhibanayaasha ayaa dhamaantood rag ah waxaana ku jira arday dhigta dugsi sare kaas oo gurigooda u yimid fasax. Waalidkiisa waxay sheegeen in wiilkooda uu ahaa qof wanaagsan.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa bartooda Telegram-ka ku sheegay in howlgal ay ka fuliyeen tuulada Juxudi oo u dhaxaysa Mombasa iyo Mpeketoni, halkaas oo ay ku dileen lix qof.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay burburiyeen lix guri. Dowladda Kenya ayaa wali wax war ah kasoo saarin falkan oo imaanaya xilli kooxda hubeysan ay wajahayso cadaadis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM