Al-Shabaab oo weerar burbur horseeday ka fulisay waddanka Kenya

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Maleeyshiyaad looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa xalay weerar ka geystay waddanka Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera.

Wararka ayaa sheegaya in weerar lagu beegsaday xarumo kala duwan oo ku yaala degaanka Olla oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa tilmaamay in duulaanka lagu bartilmaameedsaday saldhiga booliska tuulada iyo xarun ay leedahay shirkadda Safaricom.

"Labada goob ee bartilmaameedka noqday waxaa soo gaarey burbur," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsaday.

Illaa iyo haatan ma cadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka. Taliska Booliska wuxuu xaqiijiyey in ay sugeen amniga meesha ay wax ka dhaceen.

Olla oo ah degaan muhiim ah ayaa laf-dhabar u ah isu socodka magaalooyinka gobolka waqooyi barri ee dalkan dhaca Geeska qaarada Afrika.

Tan iyo markii uu bilowday sanadkan cusub ee 2020, Al-Shabaab ayaa sarre u qaadey weerarada ay ka fuliso Kenya, taasoo xoojisay khatarta amni daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM