Al-Shabaab oo weerar kale oo dhimasho dhaliyey ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley Al-Shabaab ah ayaa aroornimadii maanta weerar kula jarmaadey saldhig boolis iyo iskuul ku yaala degaanka Sareedo oo 25 KM u jira degmada Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Iskuulka la bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa ay ardaydu seexdaan, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Charles Owino, afhayeenka bileyska, ayaa xaqiijiyey in afar qof lagu khaarijiyey weerarka, oo uu xusay in ay fuliyeen tobban dagaalame.

Ciidamada ammaanka oo iska hor-imaad la galay maleeyshiyaadka ayaa toogtay laba kamid ah kooxaha hubeysan, sidda uu tibaaxay Owino.

"Iyagoo doonaya in ay dhibaato ba'an geystaan ayaan ka hortagnay," ayuu raaciyey "waxay rabeen in ay burburiyeen anteenada shirkad isgaarsiin, balse ciidamada ayaa iska caabiyey".

Kadib falkaan oo dhacay abaare 5-tii subaxnimo, ciidamo dheeraad ah ayaa loo daabulay meesha ay wax ka dhaceen si ay amniga u sugaan.

Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa sanadihii lasoo dhaafay beegsaneysay goobaha ay bulshaddu ku badan tahay sidagoobaha ganacsiga, huteelada iyo xarumaha waxbarashada oo ay ku jiraan Jamaacadaha.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii saddexaad oo Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya tan iyo bilowgii sanadka cusub ee 2020-ka kadib weerarkii jidgalka ee wadada Lamu-Mombasa iyo duulaankii xerada Manda Bay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM