Al-Shabaab oo weeraro mataano ah ka fulisay waqooyi bari Kenya

Image

NAIROB, Kenya – Dagaalameyaal looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa degaanka Khorof Kharar ee ismaamulka Wajeer ku burburiyey Anteeno ay lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom, sidda ay sheegtay saxaafada.

Thomas Ngeywa, taliyaha booliska maamulka Wajeer, ayaa tilmaamay in maleeyshiyaadka ay ku guuldareysteen in ay weerareen saldhig bileys.

Dhacdooyinkan isku-xig-xigay ayaa lasoo wariyey abeere labadii subaxnimo ee Sabtida maanta ah. Illaa iyo haatan, lama soo sheegin dhimasho.

Khorof Kharar ayaa qiyaastii 20 KM u jirta Qarsa, fariisinka ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku dhex-leeyihiin gudaha Wajeer.

Dhanka kale, Al-Shabaab oo war kasoo saartay howlgaladan ayaa ka sheegatay guulo, wallow aysan soo bandhigin caddeymo xoojiya sheegashadeeda.

Weeraradan ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii saraakiil sirdoon ay wariyeen in xubno Al-Shabaab ah oo ka yimid Soomaaliya ay soo galeen Kenya si ay u fuliyaan weeraro inta laguda jiro bisha Ramadaan.

Waa markii labaad oo bil gudaheeda ah oo laamaha ammaanka Kenya ay iska caabiyaan weeraro uga yimaada dagaalameyaashan hubeysan.

Bishii hore, cidamadda ayaa kooxda kula dagaalamay Qaqabey. Lix shacab ah iyo afar maleeyshiyaadka ah ayaa ku nafwaayey isku dhacaas.

Ismaamulada dhaca waqooyi-barri Kenya ayaa muddooyinkii dambe la daalaadhacayey iska caabinta weeraro kaga yimaada Al-Shabaab oo sii kordhayey. Wajeer, Garissa iyo Mandera ayaa xuduud la wadaaga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM