Askar Kenyan ah oo lagu dilay qarax lala beegsaday

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda Difaaca Kenya ayaa mar kale khasaaro xoogan uu kasoo gaarey weerar ay maleegtay Al-Shabaab oo ah koox maamusha qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Sidda ay wararku sheegayaan, ugu yaraan todoba askari ayaa ku geeriyoodey qarax lagula eegtay wadada isku xirta Dhoobley iyo Hosingow. Khasaaraha dhaawaca ee weerarkaas ayaa wali ah mid aanan caddeyn.

Waa weerarkii labaad oo KDF-ta ah lala eegtay 24 saac gudahooda. Axadii, Al-Shabaab waxay sheegatay in ay qarax miino kana dhacay Dhoobley iyo Taabto ay ku dhashya 17 kamid ah ciidamadda Kenya.

Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Ciidamadda Kenya ee tan iyo sanadkii 2011-kii ku sugan degaanadda Jubbooyinka ayaa hoostaga taliska Midowga Afrika ee AMISOM. Weerarada ay kala kulmaan malleeshiyadda waxay u muuqdaan kuwa sii kordhaya.

Weeraradii ugu xumaa ee ururka Al-Shabaab kala kulmaan ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhintay 300 askari Kenyaan ah. Weeraradaas waxay ka kala dhaceen Ceel Cadde iyo Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Inkasta oo weeraradaas ay la kulmayaan, haddana waxay gacanta ku hayaan ammaanka Caasimadda ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo halkaasoo ay si wadajir ah uga wada howlgalkaan dhigooda maxaliga ah.

Qorshaha kala guurka ah ee ammaanka Soomaaliya ayaa xeerinaya in ciidanka Kenya ay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka 2021-ka. Illo wareedyo waxay sheegayaan in ay askarta ay xarun ka dhiganayaan sohdinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM