Dalka Itoobiya oo laga qaaday xaalada deg dega ah

Image

ADDIS ABABA - Baarlamaanka Itoobiya ayaa u codeeyay in la soo afjaro lix bilood oo xaalad degdeg ah, taasoo lagu dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay markii ciidammada fallaagada Tigreegu ay ku hanjabeen in ay qabsan doonaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Go'aanka xildhibaanada ayaa yimid Talaadadii ka dib markii golaha wasiirada ay soo jeediyeen bishii hore in la gaabiyo tillaabooyinka degdegga ah iyadoo la eegayo hagaajinta xaaladaha ammaanka ee dalka.

Ka dib horumarro degdeg ah oo dhacay bishii Nofembar, badi xoogaga fallaagada ayaa dib ugu gurtay gobolka ay ka soo jeedaan ee Tigray, waxaana jira calaamado muujinaya in uu sii yaraanayo dagaalka kafoolka ah ee u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka Itoobiya.

312-xildhibaan ee soo xaadiray kalfadhiga, ayaa 63 ka mid ah waxay ka soo horjeesteen in la qaado xaaladda degdegga ah, halka 21 ay ka aamuseen codeynta.

Isla markiiba ma cadda in xaaladda degdegga ah si toos ah loo qaadi doono maanta oo talaado ah ka dib codbixinta baarlamaanka.

Xaaladda deg degga ah ee lixda bilood ah ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo baro kontorool, in la joojiyo adeegyada gaadiidka, in bandow lagu soo rogo, iyo in ciidamada ay la wareegaan meelaha qaar.

Qof kasta oo looga shakiyo inuu xiriir la leeyahay kooxaha "argagixisada" ayaa sidoo kale la xiri karaa amar maxkamadeed la'aan, halka muwaadin kasta oo gaaray da'da adeegga milatariga loogu yeeri karo dagaal si uu qorigiisa u qaato.

"Dalkeennu waxa uu wajahayaa khatar weyn oo ku wajahan jiritaankiisa, madax-bannaanidiisa, iyo midnimadiisa," ayuu yiri wasiirka caddaaladda Gedion Timothewos oo la hadlayay warbaahinta dowladda markii lagu dhawaaqay tallaabooyinka degdegga ah.

Talaabadan ayaa timid kadib markii dagaalyahanada Tigreega ay sheegeen in ay qabsadeen magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Axmaarada, waxayna tilmaameen in laga yaabo in ay dhanka koonfureed uga sii gudbaan caasimada Addis Ababa. Labada magaalo ayaa dib ugu soo laabtay gacanta dowladda.

Bishii Nofembar 2020, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray si ay uga jawaabaan weerarrada lagu eedeeyay kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in dawladda federaalka ah iyo xulafadeeda oo ay ku jirto Eritrea ay ku qaadeen “weerar la isku duba riday”.

Abiy waxa uu ballan qaaday guul degdeg ah, balse dabayaaqadii bishii June, dagaalyahannada Tigrayga ayaa dib isu soo ururiyey oo dib ula wareegay gobolka intiisa badan.

Dagaalku wuxuu markaas ku fiday gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada, ka hor inta aysan ciidamada Tigreegu u guran gobolkooda bishii Diseembar.

Colaadda ayaa kicisay masiibo bini'aadantinimo taaso keentay in boqolaal kun oo qof ay wajahaan xaalado macaluul la mid ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kumanaan qof ayaa la dilay in ka badan 2.5 milyan oo qofna waxaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahoodii dalka oo dhan tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Boqolaal u badan qowmiyadda Tigrayga ayaa weli xabsiga ku jira ka dib markii la qabtay intii lagu jiray xaaladda degdegga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM