Baadari sheegtay Soomaali oo xukun adag lagu ridday
NAIROBI, Kenya – Baadari ku nool ismaamulka bartamaha Kenya dhaca ee Kirinyaga oo iska-dhigay xoola-dhaqato Soomaali ah si uu uga baxsado dambi loo haystay ayaa lagu xukumay 140-sano xarig ah, sidda ay warisay saxaafada.
Sidda uu daabacay mareegga Pulsa Ghana, baadari John Gichira ayaa lagu helay fal-dambiyeed ah in uu uureeyay laba gabdho oo uu dhalay kuwaas oo da'dooda ay kala tahay 14-jir iyo 16-jir isla markaana ahaa arday iskuul dhigta.
Anthony Mwicigi, garsooraha maxkamadda degaanka Baricho oo 14-kii Janaayo, 2021 xukunka riday, ayaa xusay in ninkan Ilaahnimada sheegtay uu 70-sano si xiriir ah xabsi ugu qaadan, inta kalana loo kala qeybin doono bilooyin.
"Wuxuu haystaa 14 maalmood oo uu rafcaan kaga qaadan karo xukunka. Maxkamada waxay amreysaa in magaciisa lagu daro liiska dambiileyaasha halista ah iyo xukumaneyaasha," ayuu ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey.
Dacwad—oogeyaasha ayaa maxkamada u sheegay in xukunsanaha uu dambigaan galay 1-dii iyo 30-kii June ee 2020-kii isla markaana gabadhiisa 16-jirka ah ay haatan leedahay uur todoba bilood ah, tan 14-jirka ahna afar bilood.
Wararka ayaa intaas ku daraya in John Gichira uu dambiga qirtay 5-tii Janaayo, 2021 isla markaana uu xeer-beegtada waydiistay in loo naxariisto.
Kiiskaan ayaa kalkii horey lagu wargelin booliska. Balse, baadariga oo cabsi awadeed u baxsaday ayaa u qaxay Mbeere South oo kamid ah ismaamulka Meru isla markaana uu iska dhigay nin xoola-dhaqato Soomaali kasoo jeeda.
"Balse, dadka degaanka oo ka shakiyey ayaa ku wargeliyey booliska. Madaxda aagaas ayaa kadib booliska geeyay, waxaana ay baarayeen todobaadkii koowaad ee Janaayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta mareegga Pulsa Ghana.
GAROWE ONLINE