Bandow lagu soo rogay gobol ay weerartey Al-Shabaab

Image
Weerarkan ayaa lagu dilay todoba qof - oo laba kamid ah la gowracay.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa ku soo rogtay bandow subax ilaa maqrib ah gobolka xeebta ah ee Lamu kadib markii weerar dad lagu gowracay uu ka dhacay halkaas, sida ay warisay saxaafada.

Maleyshiyaad loo maleynayo Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay dileen toddobo qof - oo labo ka mid ah ay qoorta ka jareen. Saraakiisha waxay ku raadjoogaan gacan ku dhiigleyaasha.

Wasiirka amniga gudaha, Fred Matiangi, ayaa sheegay in bandowga uu yahay mid lagu caawinayo ciidamada ammaanka si ay u ugaarsadaan mintidiinta.

Dhowr tuhmane ayaa horay loo xiray, sida uu sheegay afhayeenka booliiska, kaasoo hoosta ka xariiqay in ay rajo fiican ka qabaa soo qabashadda kooxda geysatay falkaas.

Inkastoo ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ay ku sugan yihiin Al-shabaab, haddana Al-shabaab waxay dhowr jeer weerarro ka geysatay gobolkaas, kuwaasoo ay ku dileen tobanaan qof, guryona ay ku gubeen.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Isniintii, ayaa waxaa lagu dilay shan ruux, halka laba kalana ay qoorta ka gooyeen. Dhacdadan waxay cabsi badan ku abuurtey dadweynaha kuwaasoo ka carayaya guriyahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM