Bandow lagu soo rogay Lamu kadib weerarkii Shabaab ee Manda Bay

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa la sheegay in ay amaro kusoo rogtay gobolka Lamu kadib weerarkii Al-Shabaab ee xerada Manda Bay.

Amaradda oo saameynaya dadka iyo gaadiidka ayaa waxaa kamid ah in bandow la saarey guud ahaan gobolkaas.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, bandowga oo bilaabanaya tobbanka caweysnimo wuxuu ku eg-yahay afarta subaxnimo.

Gaadiidka badeecadaha soo geliya gobolka Lamu ayaa lagu amray in lagu hubiyo kontaroolka ugu horeeya ee laga soo galo ismaamulka.

Saraakiisha ayaa talaabooyinkan ku qeexay kuwa hoos loogu dhigayo khataraha dhanka ammaanka ee ka imaanaya Al-Shabaab.

Weerarkii lagu ekeeyay saldhiga Simba ayaa lagu dilay saddex Ameerikaan ah – hal askari iyo laba qandaraasleyaal ahaa.

Al-Shabaab oo sheegtay in weerarka ay ku gubtay diyaarado iyo gaadiid ayaa ka digtay howlgalo kale oo ay "dhowaan" ka fuliso Kenya.

Ciidanka Difaaca Kenya ayaa shaaciyey in ay shan ruux u xireen weerarkii Manda Bay, kuwaasoo baaritaanka kadib maxkamad lasoo taagi doono.

Tan iyo markii ay ciidamadeeda ku biireen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, 2011-kii, Kenya ayaa weeraro kala kulmeysa Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM